Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Washington D.C, Daahir Xassan Carab.
Danjire Carab ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal
“Waxaan uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta” ayuu yiri danjiraha.
Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweyne Biden uu balanqaaday in mar walba ay garan taagan yihiin Somalia, ayna ka caawinayaan dhinacyada nabada, horumarka, dib u dhiska iyo dowlad wanaaga.