Diyaarad Helikabtar ayaa la soo sheegaya iney caawa Maqribkii ku dhacday beer u dhow Xerada ciidanka ATMIS ku leeyihiin degaanka Carbiska ee degmada Afgooye.
Waxaa la soo warinayaa in dayuuradan ay saarnaayeen iyo afar qof oo wax ay ahaayeen aan la sheegin kuwaasoo ka baxay magaalada Muqdisho ku sii socday xerada ciidanka Balidoogle ee gobolka Shabellaha hoose oo ciidamada Mareykanku ku tababaraan ciidanka Danab.
Cilad dhanka Matoorka ah ayaa loo malaynayaa iney sababtay dhicida dayuuradan.
Dhaawacyo culus iyo kuwa fudud ayaa la soo sheegayaa iney soo gaareen afarta qof ee la socday dayuuradaha dhacday, waxaana loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Sawiro la soo qaaday lagana baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in bur bur xooggan uu soo gaaray diyaaradda dhacday ee holicabterka ahayd.
Dowlada Somalia iyo ciidamada ATMIS ayaan illaa hadad war ka soo saarin dayuuradan ku dhacday nawaaxiga degmada Afgooye.