Heemaal News Network

Shacabka Israel Oo Fariimo Cabsi gelin ah Loogu Diray Mobilada.

Telefoonnada dadka Israa’iil ku nool ayaa lagu diray farriin loogu sheegayo inay galaan goobo gabaad ah, iyadoo la adeegsanayo in farriinta ay ka timid taliska ciidanka Israa’iil iyo hay’adaha ammaanka.

Balse markii dambe taliska ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inaysan wax farriin digniin ah aysan dhankooda u dirin dadka Israa’iil ku nool, taasoo sidoo kale uu la socday lifaaq gudaha loo soo galiyay ama link.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay inay u muuqato inuu dhacay howlgal jabsi ah oo lagu awooday in farriimahan dadka Israa’iil loo diro, iyagoo ku eedeynaya Xisbullah ama Iran inay ka dambeeyaan farriimahan.

Haddii ay dadka gudaha u galeen lifaaqa farriinta la socotay, oo uu dhacay howlgal jabsi ah, waxay ka dhigantahay in sidoo kale gudaha loo galay xogta teleefoonnada dadka ay farriintan gaartay.

Isreal ayaa arintan ku eedeysay Iran, iyadoo dhacdadan ku soo aaday xili Isreal ay qarxisay nidaamka isgaarsiinta ee Xisbullah, gaar ahaan Pagero ay isticmaalayeen dagaalyahanada iyo saraakiisha kooxda, waxaana ku dhintay dad ku dhow 30 qof halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.