Dhacdooyinka cusub ee la diiwaangeliyay,kaddib duqeymaha aan horey loo arag ee Xisbullah ay ka geysatay gudaha Israa’iil;
Xisbullah markii u horreysay waxay gantaalladeeda gaareen masaafo gaarsiisan 100 km, waa meel aysan horey weerarro uga fulin.
Tan iyo 2006, markii u horreysay Xisbullah ayaa gantaallo riddo dhexe ah iyadoo adeegsanaysa waxay labo weerar ka geysatay saldhigga ciidanka cirka Israa’iil oo masaafo 50 km ah u jira xadka Lubnaan ee Ramat David.
Xisbullah waxay markii u horreysay si toos ah u beegsatay, saldhigyo, xarumo muhiim ah iyo aaggaga dhaqaalaha ee gudaha Israa’iil , waa bartilmaameedyo dhab ah oo aysan horey weerarradeeda ugu saleyn Xisbullah.
Markii u horreysay gantaallada Xisbullah ayaa ku dhacay warshada soo saarta qalabka tignoolajiyada militariga Israa’iil ee ay maamusho shirkadda Rafael.
Saacado gudahood weerarkan kaddib tirada dadka Israa’iil ee la kulmay xannuunka cabsida, walaaca iyo wal walka ayaa gaartay 225%.
Xogtan tixraaceeda waxaad ka heli karta; telefishinka Israa’iil ee Channel 12, wargeyska Israel Today iyo telefishinka Al Jazeera.