Heemaal News Network

Wasiir Xagaa: Naftayada Ayaan U Huraynaa Difaaca Badda

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS mudane Maxamed Cali Xagaa oo ka qeybgalayay kulan looga soo horjeeday damac gurracan dowaldda Itoobiya ee baddeenna Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda soomaliya aysan marnaba aqbali karin qaadashada iyo ku xadgubka qaranimad iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,naftana loo horayo difaaca dalka.

“waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”Wasiir Xagaa

Wasiira xagaa ayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan gaar ahaan shacabka ku nool gobolada waqooyi ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca dalka,oo xadgudub qaawan ay ku soo sameeysay dowladda Itoobiya.

Wasiiru dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muusa Biixi anan marnaba laga ogolaan doonin in uu bixiyo taako kamid ah dhulka,layskana cilin doono haddii Itoobiya isku daydo in ay u soo dhaqaado Badda Soomaaliyeed.

Tan iyo markii horantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay kuwada saxiideen heshiis benaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo Iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda inta ka dhacay dibad-baxyo waweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan Sheekh “Anaga Oo Leh Badda Ugu weyn Afrika Suurta-gal Ma’ahan in aanan Laheyn Aqoon Badaha

Heemaaln

Jaaliyadda Somaliya Ee Gobolka Minnesota Oo si Adag Uga soo Horjeesatay Damaca Ethiopia

Heemaal

“Heshiiska Ethiopia Iyo Somaliland Madaxweynuhu Faa’idi Maayee Qarankaa… “Xoghaye Mustafe Waxdad

Heemaaln