Heemaal News Network

Israel Oo Duulaan Dhulka ah ku Qaadeysa Xisbullah

Xulafada galbeedka ee taageerra Israa’iil iyo dalalka Carabta ee Imaaraadka, Qatar iyo Sacuudiga ayaa soo gudbiyay soo jeedinta xabbad-joojinta Lubnaan.

Faransiiska ayaa Arbacadi sheegay in ay socdaan dadaallo lagu riixayo xabbad-joojin 21 maalin ah oo la kala dhexdhigayo Israel iyo Xizbullah, si loo qaboojiyo colaadda uu dhiigga badan ku daatay ee Lubnaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa isaga oo ku sugan bannaanka hoolka shirarka ee Golaha Ammaanka wariyaasha u sheegay, in horumar muhiim ah laga gaaray saacadihi lasoo dhaafay arrinta xabbad-joojinta isla markaana ay wadahadalladu sii socon doonaan saacadaha soo socda.

Barrot, oo lagu wado in uu todobaadkaan gaaro Lubnaan, ayaa u sheegay 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka, in ay ka rajeynayaan labada dhinac in ay aqbalaan soo jeedinta xabbad-joojinta iyadoo aanan dib loo dhigin si loo dhowro dadka rayidka ah isla markaana la ogolaado billowga wadahadallo diblamaasiyadeed.

Israel ayaa sii wadda duqeynta ay ka waddo Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 72 qof lagu dilay duqeymihi shalay, dhaawacyada ayay ku sheegtay wasaaradda ugu yaraan 223.

Balse Netanyahu oo markan taageerro ka helaya xubnaha mucaaraadka Israa’iil ayaa diidday xabad joojin, iyadoo dhinaca Israa’iil la soo bandhigay shuruudo u muuqda in lagu wiiqayo ururka Xisbullah.

Wasiirka amniga Israa’iil, Ben Gvir ayaa ku hanjabay inuu is casilayo haddii Netanyahu uu saxiixo heshiis xabbad-joojin joogta ah oo lagu joojinayo duulaanka Israa’iil ee Lubnaan.

Taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil , Herzi Halevi ayaa ku dhawaaqay inay isku diyaarinayaan duulaan dhulka ah oo ay ku galaan Lubnaan, isagoo ujeeddada ku sheegay inay doonayaan sidii ay ku gaari lahaayeen deegaannada ay ku xoogantahay Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, ka hor wuxuu caddeeyay inay qaadayaan duulaan cirka ah oo aan kala joogsi lahayn si ay suragal ugu noqoto ciidanka inay weerarro dhulka ah qaadi karaan.

Ballaarinta duulaanka Israa’iil ee ay ku doonayso inay gudaha u gasho dhulka Lubnaan si ay burburin xooggan iyo dhul ballaaris uga sameeyaan , ayaa dhalin kara iska horimaad toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah.