Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban Shan xubnood
Shabakadan ayaa lagu eedeeyey iney ku howlaneyd falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho.
“Sirdoonka Qaranka oo hayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA
Waxaana sidoo kale shabakadan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho sida ay sheegtay NISA.
Lama sheegin halka laga soo qabtay raggan iyo hubka kala duwan ee ay heysteen.