Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa booqashadii ugu horreysay maanta ku tagay dalka Qatar, kaddib casuumaad uu ka helay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
Shir jaraa’id oo wadajir u qabteen Madaxweynaha Iran iyo Amiirka Qadar ayaa isla-qaatay in xiisada bariga dhexe la dejiyo, balse madaxwayne Masoud ayaa sheegay inuusan dalkiisa dooneyn colaad ku fida gobolka, Irana ay raadinayso nabad iyo xasillooni, balse Israa’iil ayuu ku eedeyay inay tahay cidda ku soo jiidaysa dagaalka.
Madaxwaynaha oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan uga jawaabi doonnaa si adag oo daran haddii Israa’iil ay na soo weerarto.”
Amiirka Qatar, wuxuu dhankiisa sheegay in dalkiisu uu taageersan yahay in la dejiyo oo la ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.
Sidoo kale ergayga Qaramada Midoobay ee Israa’iil, ayaa sheegay in jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii xalay ee Iran inuu noqonayo mid ka ballaaran nooc kasta oo weerar jawaab ah oo la filanayo.