Hadalkan, wuxuu daah-qaadaya dookha jawaabaha Israa’iil ee weerarkii xalay inay ku jirto doonista Israa’iil ee ah inay garacdo xarumaha nukliyeerka Iran, iyadoo isla markii uu xalay dhacay weerarka uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 , in xubnaha sare ee Israa’iil ay qaarkood soo jeediyeen in la beegsado xarumaha nukliyeerka Iran , taa haddii aysan dhaceyna la diyaariyo howlgal lagu dilayo hoggaamiyaha sare ee Iran , Cali Khamenei.
Saameynta ay ku leeyihiin xubnaha midigta fog go’aamada Israa’iil ayaa suragal ka dhigaya in la arki karo weerarro culus oo ay Israa’iil ka geysanayso gudaha Iran.