Heemaal News Network

Biden iyo Kamala Harris Oo Tagay Deegaanno Dhibaatooyin ka Dhaceen

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris, ayaa kormeer iyo indha indheyn u tagay deegaanno dhaca koonfurta Mareykanka, oo dhawaan ka dhaceen duufaanno dhibaatooyin badan geestay.

Duufaanta Helene ayaa ku dhufatay deegaannada koonfur bari dalka Mareykanka, waxa ayna duufaantan sababtay geerida dad gaaraya 166-ruux, waxaa sidoo kale dhaawacyo iyo dhibaatooyin kalaba duufaanta kasoo gaartay dad kale oo badan.

Madaxweyne Biden ayaana tagay deegaanno katirsan gobollada North Carolina iyo South Carolina, waxa uuna Madaxweynaha halkaasi kusoo arkay saameynta ka dhalatay duufaanta Helene ee ku dhufatay deegaannadaasi khasaaro badana gaarsiisay.

Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa gacan weyn ka geesan doonto caawinta dadka dhibaatada kasoo gaartay duufaanta Helene, waxa uuna ballanqaaday in balaayiin dollar ku bixin doonaan wax ka qabashada dhibaatada duufaantan ka dhalatay.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka Kamala Harris oo iyana tagtay deegaanno kale oo duufaanta saameesay , ayaa sheegtay in ay soo aragtay dhibaatooyin aan indhaha laga qarsan karin oo ka dhalatay duufaanta Helene, waxa ayna ballanqaaday in la caawin doono dadka dhibaatada gaartay.