Barnaamijka Badmaal ayaa ah mid diiradda saarayaa taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kaluunka ee dalka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka baddeena hodanka ah ceegaaga.
Raiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta daah-furaayey barnaamijka Badmaal lagu horumarinayo iskaashatooyinka kalluumaysiga, iyada oo xoogga la saarayo tayeynta qalabka, xirfadaha kalluumaysatada, kobcinta dakhligooda, iyo guud ahaan kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaa waaxda kalluumaysiga.
Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaana ka faa’iideysan doono mashruucan cusub ee Badmaal ee maanta magaalada Muqdisho lagu daahfuray, waxa ayna Xukuumadda Soomaaliya xoogag saareysaa sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka baddeena ka buuxa.