CNN, ayaa ku warrantay in Mareykanka uu ka quustay inuu dib u soo nooleeyo nooc kasta oo heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, taas beddelkeedana waxay u dhaqaaqeen saraakiisha Mareykanka qaabaynta iyo xaddidaada hawlgalka dhulka ee Israa’iil ay ka wado koonfurta Lubnaan iyo sidii looga hortagi lahaa aargoosiga Israa’iil ee ka dhanka ah Iran inuu u rogo colaadda bariga dhexe dagaal weyne, balse warbixinta ayaa lagu caddeeyay in maamulka Biden uu welwel ka qabo in howlgalka dhulka ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku gasho koonfurta Lubnaan inuu si dhaqso ah isku beddeli karo duullaan baaxad weyn, taa oo ay sheegeen inay ka dhalanayso dagaal gobolleed.
Netanyahu ayaa hadda si cad isaga diidday dhammaan baaq kasta oo ka yimid dhinaca Biden, iyadoo warbaahinta Mareykanka ay sheegtay in tan iyo markii uu ka haray doorashada Biden, inuu Netanyahu u arkayay qof aan sameyn lahayn oo ay tahay inuusan waxba ka dhageysan, taasoo laga digay inay sabab u noqon karto inuu Netanyahu ku socdo dagaal gobol oo gaara inta badan dalalka bariga dhexe.
Toddobaadkii hore, Netanyahu ayaa adeegsaday erayo uu ka soo qaatay kitaabka Tawreed, oo uu ku sheegayo ‘cadowgeenna waan ugu tegeyna meel kasta oo waan kula dagaallameyna’, si la mid ah wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa isla erayadan adeegsaday, taa oo loo qaatay inay u adeegsanayaan waddo ay ku ballaariyaan dagaalka.