Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa xilka laga qaaday kadib markii 281 xildhibaan ay u codeeyeen xil ka qaadistiisa halka 44 kale ay ka soo horjeesteen, waxaana Sababaha ugu waaweyn ee xilka looga qaaday lagu sheegay Qodobadan hoos ku qoran:
1. Musuqmaasuq iyo Hantida Sharci Darrada ah: Gachagua ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci darro ah ku helay hanti gaareysa KSh 5.2 bilyan, ($34.84 Milyan) isagoo isticmaalay 22 shirkadood oo isaga iyo qoyskiisa la xiriira si uu u helo qandaraasyo dowladda. Arrintan ayaa jabineysay xeerka ka hortagga dambiyada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah.
2. Ku xadgudubka Dastuurka: Waxaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay hadallo uu keligiis go’aamiyey oo khilaafsan siyaasadda dowladda, taas oo loo arkay mid uu ku khilaafay madaxweynaha iyo golaha wasiirrada.
3. Kicin Qabiil: Gachagua ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu qabiil kicin sameeyay, gaar ahaan isagoo ku hadlayay hadallo la xiriira “saamiga” oo lagu dhaleeceeyay inay hurinayaan xiisadaha qabiileed.
Arrintan ayaa hadda loo gudbin doonaa aqalka sare (Senate), halkaas oo go’aanka kama dambaysta ah laga gaari doono haddii xilka laga qaadi doono si rasmi ah