Heemaal News Network

Taliyaha Sirdoonka Ingiriiska Oo ka Digay Shirqoollo ay Iran Ruushka Iyo Shiinaha ka Dhex-wadan

Agaasimaha hay’adda sirdoonka gudaha Ingiriiska ee MI5, Ken McCallum ayaa khudbad nadir ah oo uu maanta jeediyay, wuxuu sheegay iskudayada howlgallada ay gudaha Ingiriiska ka fulinayaan wakiillada Ruushka , Shiinaha iyo Iran inay sare mareen %48.

Ken McCallum ayaa tilmaamay si cad inay hadda dalalkan khatar ugu yihiin amniga gudaha Ingiriiska oo ay ku beereen basaasiin iyo wakiillo u fuliyo howlgallo dilal iyo shirqool ah.

MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah.

Agaasimaha oo suxufiyiinta kula hadlay xarunta la-dagaallanka argagixisada ee London, wuxuu sheegay 20 sanno oo xirfadan ku dhex jiray inuu hadda arkayo koror aan horey loo arag oo la xiriira fal dambiyaadka ay ku leh leeyihiin dawladaha ee dilalka iyo shirqoollada wax-yeeleynta ee Ingiriiska iyo guud ahaan Yurub, wuxuu intaa ku daray inay hadda howl cadaab ah gacanta kula jiraan.

Khudbad uu hore uga jeediyay fagaareyaal ayuu kaga hadlay 10 shirqool oo ka dhan ah Ingiriiska oo ay maleegeysay Iran. Tiradaas ayaa hadda labanlaabantay, taasoo ka dhigan in dhaq-dhaqaaqa dawladda Iran uusan ahayn mid la dhaylsan karo.

Dhanka Shiinaha, wuxuu sheegay in Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) uu haysto barnaamij lagu xado xogta iyo macluumaadka Ingiriiska “waxaan aragnay 20,000 oo habab dahsoon ah oo ay shaqsiyaad u adeegsatay dowladda Shiinuhu.

Kaalinta Boqortooyada Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska,

Sidoo kale Xaaladda bariga dhexe iyo iska horimaadyada ka socda ayuu sheegay inay sare u qaadeen howlgallada ay gudaha Ingiriiska ka fulinayaan wakiillada Iran.