Dawlada Iran ayaa uga digtay dalalka khaliijka in hawadooda iyo saldhigyada uu ku leeyahay Mareykanka laga soo weerarro.
Iran ayaa sheegtay in hadii laga soo weeraro dalalkaasi ay la kulmi doonaan cawaaqib xun, islamarkaana ay qaadan doonaan masuuliyada dhibaatada ka dhalata dhammaan waddamada khaliijka ee uu Maraykanku saldhigyada ku leeyahay.
Waa digniintii u horreysay ee Iran ay si rasmi ula wadaagayso waddamada khaliijka, taasoo muujinayao waji kale oo colaadda bariga dhexe iyo in lagu qasbayo dalalka khaliijka inay xoojiyaan dadaalkooda diblomaasiyadeed haddii kale natiijada ugu xun ee colaadda ayaa ku dhammaan doonta dhismayaasha dhaadheer ee Dubai oo dabku gaaro, ceelasha shidaalka ee Sacuudiga iyo dalalka kale ee khaliijka.
Dhanka kale Labo weerar ayaa lagu qaaday caawa saldhigga ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin ceelasha shidaalka Conoco ee bariga Suuriya,halkaa oo tiro gantaallo ah ay ku dhaceen.