Heemaal News Network

Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminaayo Oo u ambabaxay dalka Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarka ku wehliyo wasiirka arimaha dibadda mudane Axmed Macalin Fiqi.

Safarka Madaxwaynaha ayaa kusoo beegmaya waqti ay dawladaha Eriteriya iyo Itoobiya kala goosteen xidhiidhka Isgaadhsiinta, iyada oo hadda aan gudaha Asmara laga wici karin Addis Ababa, iyadoo xiisadda labada dal ay muddooyinkan isa-soo-taraysay, waxaana xusid mudan in Eriteriya ay dhawaan iska joojisey diyaaradda Itoobiya, sida oo kale waxa aan jirin xidhiidh diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dhibac.