Heemaal News Network

Madaxwayne Biixi Oo Kulan la Qaatay Beesha Habar-cafaan Ee Awdal

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Madaxda dhaqanka ee Beelah Habarcafaan.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka beesha ku matala xukuumada Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid.

Kulankan oo daba socday kulamo hore oo ay Madaxwaynaha u wada yeesheen beelaha habar-cafaan ayaa ku soo dhamaadey guul iyo is fahan buuxa.

Waxaanay Beelaha habar-cafaan ay taageero buuxda ugu balan qaadeen Madaxwaynaha ahna murashaxa Madaxweyne ee xisbiga kulmiye iyo murashax ku xigeenkiisa iyo sidoo kale Xisbiga Kulmiyeba inay la barbar taagan yihiin taageero buuxda.

Ma-jirto war intan ka faahfaahsan oo kasoo baxay kulankan, balse waxay wararku sheegayaan in laga wada-hadlay arimaha doorashooyinka oo Beeshan la sheegay inay mucaaridka isku shubeen markii la xiray xildhibaan Maxamed Abiib oo Beeshan kasoo jeeda.