Heemaal News Network

Xisbulaah Oo Gacanta ku Dhigtay Nin Israa’iil ah Oo Basaas-nimo u Joogay Lubnaan

Nin Israa’iil ah sidoo kale sitay labo baasaboor oo Mareykan iyo Ingiriis ah oo lagu eedeeyay basaas-nimo ayaa lagu qabtay xili uu ka baxayay garoonka diyaaradah Beirut, isagoo la socday koox saxafiyiin ah.

Ninkan oo magacaabiisa lagu sheegay, Joshua Tartakovsky oo 42 jir ah ayaa la xiray, waxaana la sheegay inuu ka been sheegay inuu yahay suxufi, iyo tirada baasaboorada uu watay taasoo sidoo kale dhalisay shakiga ah inuu howlo basaasnimo u joogay muddo gudaha Lubnaan, sida laga soo xigtay wargeyska Al-Akhbar ee hoostaga Xisbullah, halka wargeyska Times of Israel uu sheegay saraakiisha Israa’iil inay ka warqabaan xarigga ninkan.

Sidoo kale, isla maanta labo nin oo Suuriyaan ah ayaa ciidanka amniga Lubnaan waxay ku xireen Beirut, kaddib markii la sheegay inay ciidanka fuliyeen howlgal lagu raadinayay basaasiinta la shaqeeya Israa’iil oo duqeymo ka geysanaysa gudaha Lubnaan, sida ay sheegtay shabakadda Al Mayadeen.