Guutooyinka hubaysan ee Xamaas, ayaa maanta ku dhawaaqay inay marinka Qasa ka fuliyeen mid ka mid ah howlgalladii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalka socda mudada sannadka ah
Weerarkan ayaa yimid ka dib markii Kooxaha iska caabinta ay dabin u dhigeen ciidanka gaarka ah ee Israa’iil oo la socday 12 gaari oo kuwa gaashaaman ah iyo gaari xamuul ah oo ay la socdeen askar
Markii ay soo gaareen goobta dabinka loogu diyaariyay waxaa lagu dhuftay gaariga xamuulka ah ee ay askarta saarnaayeen madfaca garabka laga rido ee Shawaz 1 oo leh awood wax burburin oo ka saraysa madfaca Al Yaasiin
Sidoo kale baabuurta kale ee gaashaaman ee ciidanka Israa’iil ayaa lala eegtay madfaca kale ee Tandum, intaa kaliya kuma filna; dagaalyahannada Qasam ayaa dul tagay askarta Israa’iil ee dhaawaca ah iyagoo dhammeystiray.
War saxaafadeedka Qasam ay baahiyeen, ayaa sidoo kale lagu sheegay in la beegsaday askar gurmad ugu timid ciidanka la laayay, waxaana la burburiyay taangiga Merkava 4 oo ay ku jireen walxaha qarxa inta aysan soo gaarin goobta, waxaana lagu qarxiyay madaafiicda Shawaz 1 iyo Tandum.
Weerarkan waxaa laga yaaba inuu yahay midkii dhimashada ugu badan ay ka soo gaartay Israa’iil tan iyo sannadkan, wuxuu ku soo aaday xilli ciidamo dheeraad ah ay Israa’iil gelisay xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa oo ah meesha uu ka dhacay howlgalka ay fuliyeen Qasaam.
Wali Israel ma soo bandhigin tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka soo gaartay weerarkan, iyadoo maamulka Netanyahu aan looga baran inuu ka run sheego khasaaraha ka soo gaara dagaalka.