Heemaal News Network

Midowga Afrika Oo Qaaday Talaabo Dhabarjab ku ah Itoobiya

1dii Agoosto, AU waxay qaadatay fikradda istiraatijiyadeed ee hawlgallada ee Taageerada iyo Xasilinta ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ansixiyay 12kii Agoosto. Qaraarka ayaa Soomaaliya siinaya awooda in ay xulato wadamada ciidanka ku deeqaya.

Hawlgalkaan waxa uu yeelan doonaa ilaa 11,911 askari, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qaybood oo muhiim ah,” sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee UN-ka.

Howlgalka waxa uu shaqo bilaabi doonaa laga bilaabo 1da Janaayo 2025, waxaana si tartiib tartiib ah uu mas’uuliyadaha amniga ugu wareejin doonaa ciidamada amniga Soomaaliya, howlgalka waxa uu dhamaan doonaan dhamaadka 2028.

Hawlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada saaxiibadeeda caalamiga ah.

Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay badalaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya kuna jira ATMIS.

Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay eryi doonto Askarta Itoobiya, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya.

Soomaaliya wadamo badan ayaa dhaqaale ku haysta oo ciidan u soo diray sida Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Masar iyo Eretareeya oo hada doonaya. Taasi dowlada waxa ay ugu baahantahay qorsho diyaarsan oo wadamadaan ay ugu qaybiso 11 kun oo ciidan ah wadanba inta loo ogonyahay.