Heemaal News Network

Somaliland Oo Xukun ku Riday Abwaan Abees Oo Shalay Lagu Eedeeyay Waalid Caasi

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa saakay oo Talaado ah xukun xabsi ah ku riday Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maalintii shalay lagu xiray magaalada Hargeysa.

Wiil la dhashay abwaanka oo lagu magacaabo Nuuradiin Abees ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku caddeeyay in abwaanka lagu xukumay sannad iyo bar xabsi ah, abwaanka ayaana helin fursad uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyay.

Ciidamada Somaliland ayaana shalay xiray Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maalmo kahor magaalada Hargeysa kusoo bandhigay buug uu qoray uu u bixiyay Mayal, buuggan ayaana muddo dheer u xirnaa maamulka Somaliland oo ugu dambeyn dhawwaan fasaxday.

Abwaanka la xiray ayaa saraakiisha booliiska Somaliland sheegeen in uusan siyaasad u xirneyn, waxa ayna caddeeyeen in aabihiis uu soo dacweeyay kuna sheegay in uu yahay caasi waalideyn sidaa darteedna loo xiray abwaanka.

Hooyada dhashay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo dhankeeda warbaahinta la hadashay ayaa beenisay warka kasoo baxay aabaha abwaanka, waxa ayna xustay in wiilkeeda uusan caasi aheyn , balse maamulka Somaliland xarigiisa been abuurkaa u adeegsatay.

Waxa ay sheegtay hooyada abwaanka in wiilkeeda loo beegsanayo siyaasad iyo buugga uu qoray, waxa ayna xustay in horey dhibane ugu ahaa xarrig Somaliland u geesteen, waxa ayna xustay in mar kale wiilkeeda dambi been ah loo saariyay loona xiray.

Maamulka Muuse Biixi ayaa la aaminsan yahay in aabaha dhalay abwaanka usoo dhax martay xarigiisa, iyadoona abwaanka loo jeediyay eedeyn aan jirin oo ah in uu waalidkiisa ku yahay caasi, iyadoona xusid mudan tahay in abwaanka oo bannaan joog ahaa sanandihii lasoo dhaafay dhawwaan Hargeysa ku laabtay kaddib markii la dilay wiil la dhashay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Maanta-na Waxay Xukumada Biixi iibisay Garoonkii Labaad Ee Hargeysa Ugu Waynaa….” Xisbiga Wadani

Heemaaln

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Warbixiyey Kulankii M/Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ku Heshiiyeen

Heemaaln

Warbixinta Soomaliya U Gudbisay Qaramada Midoobay Oo Gilgishay Adisababa

Heemaal