Heemaal News Network

Erdogan Oo ka Digay Tallaabooyinka Israa’iil Ee ku wajahan Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan; “ Ma iska indho tiri karno gardarrada Israa’iil, waxaanan la soconaa xaaladda iyada oo loo marayo sirdoonkeenna ku saabsan tallaabooyinka Israa’iil ee ku wajahan waddankeenna…

“Israa’iil kaliya ma beegsanayso Falastiin iyo Lubnaan, balse waxay ka shaqaynaysaa sidii ay dabka ku gaarsiin lahayd gobolka oo dhan.” ayuu yiri Madaxwayne Erdogan

Erdogan ayaa sidoo kale maalmo ka hor sheegay inay Israa’iil usoo socoto Turkiga , oo ay helayaan sirdoon ay ku xaqiijiyeen iskudaygan. Ma garan karo ujeeddada uu ugu celcelinayo hadalladan Erdogan , laakin ma aha wax fudud marka dal uu sheegayo in waddan khatar ku yahay xasilloonidiisa, taasi waa hab lagu sheego; ‘waxaan qaadi karaa tallaabo, si aan xasilloonideyda u ilaaliyo’. Maxay noqon tallaabada Turkiga ? Waa waqti hore laakin waa inuu sameeyo faragelin isagoo ka faa’iideysanaya madax bannaanida Lubnaan!