Heemaal News Network

Wafdi Baarlamanka Somalia u Diray Geneva Oo Gaaray.(Sawiro)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland waxayna halkaasi kulan kula qaateen wafuud ka socota Baarlamaanada Carabta ee dalkaasi ku sugan, waxa uuna kulankaasi horudhac u ahaa Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Aduunka.

Kulanka oo diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Carabta ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa jiray doodo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga baarlamaaniga ee u dhaxeeya dalalka Carabta si wax looga qabto caqabadaha Gobolka, ka qeyb qaadasho firfircoon oo ku saabsan Golaha Guud ee IPU si gacan looga geysto qaabeynta Ajendaha sharci-dejinta caalamiga ah, Xaqiijinta xiriirka diblomaasiyadeed oo adag iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Baarlamaanka adduunka.

Sidoo kale madaxda kulanka ka qeyb gashay ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo horumarin lahaa nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka iyada oo loo marayo nidaamka sharci-dejinta, waxaana ugu dambeyn la isla qaatay tallaabooyinka lagu dhisayo mustaqbal horumarsan oo loogu talagalay baarlamaannada dowladaha midowga Jaamacadda Carabta.