Heemaal News Network

Israa’iil Oo Mareykanka Wargelisay inay Jawaab Adag ka bixin Doonto Weerarkii Xisbullah

Israa’iil ayaa Mareykanka wargelisay inay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii xalay ay Xisbullah ku qarxisay diyaarad aan duuliyaha lahayn saldhigga ciidamada Israa’iil ee koonfurta Haifa , sida ay Al Jazeera ka soo xigatay warbaahinta Israa’iil.

Dhab ahaantii Israa’iil ayaa Lubnaan ka fulisay nooc kasta oo weerar iyo awood kasta oo ay adeegsan kartay, marka ma jirto sabab la isku waydiiyo nooca weerarka adag ee ay doonayso inay Israa’iil ku qaado gudaha Lubnaan.