Heemaal News Network

Nin Hubaysan Oo Lagu Qabtay Meel u dhow Ololaha Trump kaddib-na waa la sii daayay

Nin sitay qori sharcidaro ahiyo mid kale oo rasaas ka buuxdo ayaa lagu qabtay meel u dhow goobta ay isugu yimaadeen taageerayaasha Turmp ee Coachella, California sabatigii sida ay boolisku sheegeen.

Ninka laga shakiyay oo 49 jir ahaa, Vem Miller, ayaa watay gaari madow SUV ah markii lagu joojiyay bar-koontarool. Mr. Miller ayaa la xiray sida uu boolisku sheegay balse markii dambe ayaa la sii daayay, wuxuuna u sheegay warbaahitna Mareykanka in uu yahay taageere Trump oo aan dooneyn in uu waxyeelo u geysto musharaxa madaxweyne.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uusan ku jirin wax khatar ah dhacdadaasna aysan saameyn ku laheyn howlaha.

Ka hor inta aan $5000 oo damiin ah lagu siideyn, Mr. Miller waxaa lagu oogay labo dacwadood oo la xiriira hubka. Dacwad federal ah laguma soo oogin.

Madaxda federalka waxay sheegeen in weli ay wadaan baaris ku saabsan dhacdadaas iyagana ay u taal in ay sii wadaayaan iyo in kale.