Heemaal News Network

Taliye Asad Diyaano Oo kulan Muhiim ah la Qaatay Kestitis Lancinskas

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa howgalka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya mudane Kestitis Lancinskas.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ka hortagga qataraha kooxaha argagixisada.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo Kestitis Lancinskas , ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay uga wada hadleen kordhinta taageerada midowga Yurub ay siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo saadka.

Taliye Asad Diyaano oo dhawaan loo magacaabay xilka taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa mudooyinkan waday kulamo uu la qaadanayo wakiillo katirsan beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayay taageerada ciidanka booliiska Soomaaliyeed.