Heemaal News Network

Wasiir iyo saraakiil tagay deegaan shalay Al Shabaab cashar loogu dhigay (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta gaaray deegaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, halkaas oo shalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al Shabaab.

Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Geerille , ayaa la sheegay in cashar loogu dhigay kooxda Al Shabaab , waxaa sidoo kale saraakiisha ciidanka sheegeen in dagaalkaasi khasaaro badan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga waxaa deegaanka Geerille kusoo dhoweeyay taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, taliyaha qeybta 21-aad iyo saraakiil kale oo hoggaaminaysa howlgalka ka socda bariga gobolka Galguduud.

Taliyaasha ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka Gaashaandhigga howlgallada ay ciidamada ka wadaan bariga gobolka Galgaduud, waxa ayna sheegeen saraakiisha in kooxda Al Shabaab lagu jabiyay dagaalkii shalay dhacay iyo dagaallo kale ay la galeen ciidanka xoogga dalka.

Booqashada uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ugu tagay ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka , ayaa ah kuwa uu ku dhiirogalinayay ciidamada geesiyaasha ah, waxa uuna ciidanka ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.