Heemaal News Network

Maxkamad Amar ku bixisay in la soo xiro Shiekh Hasina

Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro raisul wasaarihii hore ee dalkaas Sheekh Xasiina oo Hindiya u baxsatay bishii Agost kaddib markii ay xukunka ka tuureen dibad baxayaal.

Xasina waxaa doonaya maxkamadda dambiyada caalamiga ee Bangladesh, waxaana loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha kuwaasoo dhacay intii dibadbaxyda socdeen. Dibadbaxyada waxaa lagu dilay boqolaal qof.

Xasina oo wadanka madax ka aheyd 20 sano, waxaa loo arkay xukunkeeda mid kali talis ah oo aan naxariis laheyn.

Illaa 14 qof oo kale ayey maxkamadda amartay in la soo xiro, waxaana ka mid dadkaas wasiiro ka tirsanaa dowladda oo dalka ka baxsaday.

Dowladda cusub ee Bangladesh ayaa kala noqotay baasaboorka diblomaasiyadeed ee Xasina, waxaana labada dal ee India & Bangladesh ka dhaxeeyay in ay isugu soo dhiibaan dadka la doonayo.

India ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka la xiriira in la soo gacan geliyo Shiikh Xasina.