Heemaal News Network

Mareykan oo mid kamid ah weeraradii ugu Cuslaa Maanta ka fuliyay dal Carbeed

Gobolka bariga dhexe ayaa saacadihii hore ee maanta martigeliyay mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa, kaddib markii Mareykanka uu ku weerarray gudaha dalka Yemen diyaaradihiisa bambooyinka riddada dheer oo aan diyaarad kale qaadi karin ee culus istiraatijiga ahna ee B-2As, iyadoo xoghayaha difaaca Maraykanka,Lloyd Austin uu shaaciyay inay weerarka Yemen ay ka geysteen shan goobood inay u adeegsadeen diyaaradan , sababtoo ah wuxuu ku sheegay inay goobahaa yihiin meelaha ay Xuutiyiinta dhigtaan gantaallada ee ku yaalla dhulka hoostiisa, kana soo qaadaan weerarrada maraakiibta.

Kani waa weerarkii ugu weynaa ee ay la kulmayaan Xuutiyiinta , waxaana la beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta Sanca, aagga Kahlan iyo Al-Cayla ee bariga magaalada Sacda.

Weerarkan wuxuu leeyahay ujeeddooyin gaar ah;

Diyaaradda B-2As, waa mid ka mid ah diyaaradaha ugu xun ee bani’aadamku heysto, waxay awoodaan tobannaan tan oo bambooyin ah inay qaadaan, goobta ay ku dhufanayaanna waxay dhulka hoos u galayaan tobannaan mitir, waxaana lagu burburiyaa xarumaha iyo saldhigyada dhulka hoostiisa ku yaalla, waana sababta bilowga weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil aan uga maqalnay dhinaca Israa’iil inay doorbidayaan Mareykanka inuu kala qeybqaato weerarka jawaabta ah ee ay ku qaadayaan Iran, sababtoo ah diyaaradaha Israa’iil ma awoodaan inay gaaraan goobaha ay beegsan karto diyaaradan B-2As, si loo gaaro xarumaha nukliyeerka Iran , diyaaradan ayaa ah midda kaliya ee fulin karta.

Hadda , weerarka Yemen ay ka geysatay diyaaradan waxay adeegsatay hannaanka gantaallada raxanka ah ee halka bartilmaameed ku dhici kara oo loogu yeero nidaamka JDAM, tanina waxay ku dhacda marka la doonayo inan dib loo adeegsan ama laga soo kicin goobaha bambooyinka isla socda oo middiiba tobannaan tan oo tobannaan mitir dhulka hoostiisa ku qarxi karta, waxaa laga yaaba bambada ugu yar inay leedahay culeys 900 kg, Illaa hadda ma soo bandhigin Xuutiyiinta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse kaliya waxay xaqiijiyeen inay la kulmeen weerar.

Diyaaradda B-2As , waxaa laga soo duuliyay saldhigga ciidanka cirka Mareykanka ee Whiteman oo ku yaalla gobolka Missouri ee dalka Mareykanka, taa oo xaqiijinaysa in diyaaradan aysan joogin meel aan ahayn gudaha Mareykanka, sababtoo ah waa mid ka mid ah qalabka ugu muhiimsan ee Mareykanka oo laga hortagayo in xog sirdoon laga helo.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sidoo kale yiri; “Isticmaalka bambooyinka riddada dheer ee B2 waxay muujineysaa awoodda Mareykanka inuu weeraro bartilmaameedyada noocaan ah wakhti kasta iyo meel kasta.. Maraykanku kama labalabayn doono inuu qaado tillaabo uu ku ilaalinayo muwaadiniinta Maraykanka iyo danaha iyo ka hortagga weerarada ka dhanka ah rayidka iyo xulafadayada gobolka.”

Ugu dambeyntii weerarkan iyo hadalka Austin , wuxuu u muuqdaa in lagu gudbinayo farriin ku socota Iran oo la xiriirta iskadaygeeda ay doonayso inay uga jawaabto weerarka ay diyaarinayso Israa’iil..!