Heemaal News Network

Israa’iil Oo Saadaalinaysa In Hogaamiyaha Xamaas ku Dhintay Duqayn Laga Fuliyay Rafah

Ciidanka militariga Israa’iil iyo hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ayaa goor dhow si wadajir ah u sheegay inay baarayaan suragalnimada duqeymo ay Israa’iil ka fulisay Rafah in lagu dilay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Yaxye Sinwar iyo labo xubnood oo kale oo ka tirsan Xamaas, sida ay ku warrantay Al Jazeera.

Israa’iil ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay weerarro ay ka fulisay marinka Qasa — sheegaysay inay baarayso inay ku dishay Yaxye Sinwar , weerarrada oo dhammaantood lagu guul-darraystay in lagu gaaro Sinwar. Dhinaca Xamaas ma jiro wali war ka soo baxay.