Heemaal News Network

Masar iyo Iran Oo ka Wada-hadlay Xiisada Bariga Dhexe

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, oo booqasho ku tagay Masar ayaa la kulmay madaxweyne Cabdulfatax El-Sisi.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigeneysa hadalka madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in wadahadalada diiradda lagu saaray arrimaha gobolka iyadoo Mr. El-Sisi marka kale oo dib ugu celiyay codsiga Qaahira ee ahaa in dagaalka aan lagu sii find gobolka, loona baahan yahay in la joojiyo xiisadda si looga hortaga dagaal weyn oo gobolka ka dhaca.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran wuxuu sidoo kale xoojiyay baahida loo qabo in la sii wado dadaalada lagu horumarinayo xiriirka labada dal.

Mr. Araghchi wuxuu sidoo kale la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelati ka hor inta uusan arag madaxweynaha.

Waa booqashadii ugu horeysay uu wasiir arrima dibadeed oo ka socda Iran ku tago Masar 12-kii sano ee la soo dhaafay. Masar iyo Iran waxaa ka dhexeeyay xiriir aad u fiican ka hor inta uu dhalan kacaanka Islaamka Iran.