Heemaal News Network

Dabaaldegyo la Xiriira Dilka Yahya Sinwar Oo ka Socda Israel (Sawirro)

Dabaaldegyo lagu soo dhoweynayo dilka hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar ayaa ka socda magaalooyinka waaweyn ee Israel.

Dadweyne fara badan ayaa iskugu soo baxaya goobaha la iskugu yimaado iyagoo faraxsan isla markaana boorar ay ku qoran yihiin markii hadii la dilay Sinwar inuu dhamaaday dagaalka Gaza.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka hadlay dilka hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar isagoo yiri, “Tani waa bilawga maalinta xigta ee Xamaas.”

“Argagixisada waxaa soo gaartay dharbaaxo culus, laakiin hawsha ina hortaala weli ma dhammaan,” ayuu yiri Netanyahu oo ka hadlayey farriin muuqaal ah oo la duubay.

Netanyahu ayaa dilka Sinwar ugu yeeray “Waqti muhiim u ah dagaalka,” isagoo u sheegay dadka deggan Gaza inay “fursad” u tahay ugu dambeyn iney ka xoroobaan Xamaas.

Shabakadda ku hadasha afka Israa’iil ee Kann, ayaa ku warramaysa in weerarka ka dhacay koonfurta Qasa lagu dilay Yaxye Sinwar, iyagoo sheegay in ciidanka Israa’iil ay ku sugnaayeen goob ku dhow halka uu weerarka ka dhacay oo ay kula kulmeen xubnaha Xamaas.

Sawirro la sheegay in ay muujinayaan meydka hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar ayaa si weyn ugu faafaya baraha bulshada.