Heemaal News Network

Xamaas oo War ka soo saartay dilka hogaamiye Yahya Sinwar

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, Basem Naim, ayaa qirtay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar laakiin waxaa uu sheegay in dilkiisa uusan waxba ka bedeli doonin halganka kooxda

Bayaanka uu soo saaray ayaa lagu sheegay inay tahay xanuun iyo murugo leh in la waayo dadka la jecel yahay, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha aan caadiga ahayn balse tani ay ku dhiirigelineyso iney sii xoojiyaan dagaalka

Naciim waxa uu sheegay in Xamaas ay sii xoogeysaneysay mar kasta oo la dilo madaxdeedii hore.

“Waxay u muuqataa in Israa’iil ay aaminsan tahay in dilka madaxdeenna ay ka dhigan tahay dhammaadka dhaqdhaqaaqeena iyo halganka dadka Falastiiniyiinta, laakiin taasi xaqiiqada wey ka duwan tahay” ayuu ku yiri Qasem bayaanka.

“Haa, aad ayay u xanuun badan tahay oo u dhib badan tahay in la waayo dad la jecel yahay, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha aan caadiga ahayn, laakiin waxa aan hubno ayaa ah in aan ugu dambeyntii guuleysaneyno, sida looga bartay natiijada dhammaan dadkii u halgamay xorriyaddooda” ayuu yiri.