Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Maxamuud Macallin, ayaa kala wareegay shixnada gar gaarka danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa dawladda Turkiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan, waxa uuna xusay in Turkiga kaalin aan la ilaawin karin uga soo baxay Soomaaliya.
Dowladda Turkiga , ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga caawiyay dhinac gargaarka , waxa ayna Turkiga Soomaaliya marar badan ugu deeqday gargaar aad loogy baahnaa, iyadoona Turkiga noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya usoo gurmatay xilli xaalad adag dalka ku jiray