Meyd loo maleynayo in uu yahay xildhibaan muddo la la’aa oo laga soo doorto deegaanka Della ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Wajeer.
Shalay ayaa la geeyay qof meyd ah loo maleyanyo in uu yahay xidlihbaan Yuusuf Xuseen Axmed oo laga soo doorto golaha deegaanka Della oo hoos yimaada deegaanka Ceeldhaas ee ismaamulka Wajeer.
Laamaha amniga ayaa haro ku taal duleedka magaalada ka soo qaaday meyd sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka.
Magaalada Wajeer waxaa gaaray siyaasiyiin laga soo doorto gobolka. Aadan Keynaan Wehliye oo ka mid ah xildhibaan ayaa BBC-da u sheegay in meydka isbitaalka la keenay aan la xaqiijin karin in uu yahay xildhibaanka iyo in kale.
“Habeen hore ayaa la sheegay in qof meyd ah lagu soo tuuray isbitaalka Wajeer, qofka meydka ah waa qof jirkiisa la burburiyay oo si bani’aadanimada ka baxsan loo galay, dadka ayaa iska dhaadhacsiiyay in uu yahay xildhibaankii la la’aa”.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in meydka isbitaalka la keenay aan si fiican loo aqoonsan karin qofka saxda ah uu yahay. Sida la sheegay meydka isbitaalka la keenay waxaa lagu shubay “aashito”.
“Jirkiisa waxaa lagu suubiyay wax aysan xitaa aheyn in xoolaha ay ku dhacaan, hadii aan kaaga sheekeeyo waa mid muddo dheer igu qaadaneyso oo aan ku habooneyn in ay qof bani’aadan ah ku dhacdo” ayuu yiri xildhibaan Aadan Keynaan oo intaas ku daray.
“Waxa kaliya oo aan kuu sheegi karo waa in daraad galab lagu soo tuuray qeybta meydka isbitaalka, anaga waxaan u haysanaa in qeyb laamaha amniga ka mid ah ay keeneen”.
Xildhibaanka laga soo doorto Della muddo dheer ayaa la la’aa, waxaa la tuhunsanaa in la afduubtay.
Waxaa socda baaris lagu sameynayo qofka saxda ah uu yahay meydka isbitaalka la keenay si loo ogaado shaqsiga uu yahay.
Dadka deegaanka ayaa ka buuxsamay qeybta meydka ee isbitaalka si ay u aqoonsadaan meydka sida la sheegay aan la aqoonsan karin dhaawacyada soo gaaray darteed.
“Maanta waxaan la keenay dhakhaatiir, baaritaan dheer ayey sameeyeen, waxaan sugeynaa ilaa inta jawaabta ka soo baxeyso, ma jiraan wax kale oo aan ka hadalno”
Xildhibaan Aadan Keynaan ayaa sheegay in baaris ka kooban saddex qeybood ay socoto oo kala ah mid ay wadaan qoyska, tan dowladda iyo mid kale. Jawaabta ayaa laga yabaa in ay waqti qaadato.
Meydka ayaa la sheegay in aan la aasi doonin ilaa inta ay ka soo baxeyso natiijada baarista dhakhaatiirta meydka ay wadaan.
Xiisad iyo carro ayaa ka taagan Wajeer oo la xiriirta xildhibaanka la la’ayahy mudada 40-ka maalmood.
“Dadweynaha xumaato weyn ayey u arkeen… nin madax ayaa maqan, xiisad badan ayey keentay”
Ma cada cidda ka dambeysay kiiska xildhibaanka oo la sheegay in markii hore la afduubtay. Booliska weli wax war ah kama soo saarin xildhibaankan mudada la la’yahay iyo cidda saxda uu yahay meydka la keenay isbitaalka.
Aggaasimaha waaxda dacwad oogista iyo aggaasimaha dambi baarista ayaa lagu amray in ay ilaaliyaan markhaatiyaasha muhiimka ah ilaa inta laga cadeynayo kiiska.
Maxkamadda sare ayaa ku amartay hay’adaha ay quseyso in ay keenaan wixii ugu dambeeyay halka uu marayo baarista.
Qareenada xildhibaan Yuusuf ayaa ku tilmaamay in baarista ay ku jirto habacsanaan. Booliska waxay ku eedeeyeen cagajiid.