Heemaal News Network

Xassan Sheekh Iyo Dhigiisa Ruto Oo ku kulmay Madaxtooyada Nairobi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray adkaynta nabadda iyo amniga gobolka, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dal, iyo ilaalinta gobannimada dalalka gobolka.

Waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen aasaaska howlgalka cusub ee taageerada xasilloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo baddali doona hawlgalkii hore ee ATMIS.

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa horey u soo maray dalalka Ugandha, Burundi iyo Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka ka tirsan howlgalka ATMIS ee gebagebeda ah ayaanu booqan doonin Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafigiisa maadaama xiriirka labada dal uu aad u xumaaday tan iyo markii Itoobiya heshiiska is afgarad la gashay Somaliland kaasoo la isku dhaafsanayo aqoonsi iyo bad labadaba xad gudub ku ah madax banaanida Somalia.