Heemaal News Network

Madaxweyne Putin Oo ka Digay khatarta Dagaal ku Fida Bariga Dhexe

Hadal uu ka jeediyay shirka BRICS ayuu madaxweyne Putin ka digay in Bariga Dhexe uu qarka u saaran yahay dagaal weyn.

Madaxda shirka uu hadalka ka jeediyay Putin, waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

“Tallaabada militeri ee ka bilaabatay Gaza sanad ka hor hadda waxay u gudubtay Lubnaan, sidoo kale waxay saameysay dalal kale oo gobolka ku yaal” ayuu yiri madaxweyen Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ka digay in dagaal uu dhexmaro Iran iyo Israel. Wuxuu sheegay in waxa dhacaya ay muujinayaan in ay yihiin tallaabooyin taxan oo gobolka Bariga Dhexe gelinaya dagaal weyn.

Mr. Putin wuxuu sidoo kale sheegay in waxa ugu weyn ee loo baahan yahay si nabad iyo xasilooni laga hirgeliyo dhulka Falastiin ay tahay hirgelinta xal labo dal ah taas oo ay ansixiyeen golaha ammaanka iyo golaha guud ee Qaramada Midoobay