Heemaal News Network

Dableydii weerarka ka fulisay Turkiga oo la Aqoonssaday (Sawirro)

NEWS Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ee “Ali Yerlikaya” ayaa ku dhawaaqay in la aqoonsaday dableydii fulisay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay xarunta Turkiga ee Aerospace Industries (TUSAŞ) ee magaalada Ankara.

Labada qof ee fuliyey weerarka oo kala ahaa nin iyo haweeney waxaa la cadeeyay inay ka tirsan yihiin ururka PKK

Nin lagu lagu magacaabo Ali Örek oo loo yaqaan “Rojger”, haweeney lagu sheegay magaceeda Mine Sevjin Alçiçek.

Hay’adaha amniga Turkiga ayaa sheegay in gabadha qeybta ka ahayd oo magaceeda lagu sheegay Mine Sevjin Alçiçek ay mar ahayd siyaasi ka tirsan xisbiga kurdida ee HDP qiyaasti sannadkii 2015.

Mine Sevjin waxaa laga arkay inay khibrad u leedahay dagaalka, waxaa lagu dilay iyo ninka la fuliyey weerarka xarunta shirkadda wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga

Ciidamada Jubbaland ayaa howlgal ka dhacay waqooyiga gobolka Jubada hoose ku khaarijiyay Al-shabaab ugu sareeyay dhinaca qaraxyada iyo koox kale oo la socotay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay xalay duqeeyeen goobo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya oo lala xiriirinayo kooxda Kurdiyiinta ee PKK, kaddib markii ay ku eedeeyeen weerarkii ka dhacay meel u dhow Ankara oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

“Guud ahaan 32 bartilmaameed oo ay lahaayeen argagixisadu si guul leh ayaa lagu burburiyay”, ayay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ku sheegtay bayaan.