Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inay si weyn u dhimi doonaan tirada qaxootiga la keenayo Canada, si kumeel-gaar ah,muddo labo sanno ah.
Arintan ayaa la xiriirta xaaladda dhaqaale iyo shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta Canada oo usoo jiiday mucaarad badan oo gudaha ah maamulka Trudeau, oo lagu eedeyay inuu ku fashilmay siyaasadda xakameynta qaxootiga.
Canada , waxaa ay si weyn u qaadatay tiro badan oo qaxooti Soomaali ah shantii sanno ee u dambeysay oo ay ku jiraan dadka ku tagay nidaamka shanta koox (G5), balse hadda waxaa laga yaaba inuu go’aankan saameyn ku yeesho.