Puntland ayaa shaqo-joojin ku samaysay hey’adda caalamiga ah ee Alight oo ahayd midda keliya ee si toos ah uga howl-galaysay deegaannada SSC-Khaatumo, isla markaasna fulinaysay mashaariic bin’adannimo iyo kuwo horumarineed.
Puntland waxa ay hey’adda ku eedeysey in u hoggaansami weydey shuruucda dowladda, sidaasna loogala noqday aqoonsiga.
Ilo ka agdhow Hey’adda waxa ay sheegeen in hey’adda la faray in ay ka amar qaadato PL, taasi oo ay hey’addu ka gows-adaygtay, waxa kale oo xusid mudan in hey’ad huwan magaca “Alight” ay bil ka hor shaqo-joojin ku samaysay Hirshabeelle.
Qaabka loo marayo fulinta mashaariicda ayaa kamid ah qodobada ugu waa weyn ee ay isku hayaan Puntland iyo Dowladda Federaalka.