Doonyo Kalluumaysi oo Xalay iyo maanta lagu kala qabsaday Qandala iyo Xaabo.
Wararka ka imaanaya degaanada xeebaha Gobolka Bari ayaa sheegaya in xiisad ay ka jirto degmada Qandala iyo degaanka Xaabo kadib markii laba doonyood oo degaanadaasi laga kala leeyahay la kala qabsaday.
Xalay doonni kalluumaysi oo Xaawi ah isla markaasina ay Wakiil ka yihiin shakhsiyaad kasoo jeeda gobolka Gardafuu ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka PMPF xili doonidu ay ka kalluumaysanaysay khooriga degmada Qandala
Wararka ayaa intaas ku daraya in ka hor inta ay ciidanku gacanta ku dhigin doonida kalluumaysi ay iska hor imaad xoogan kala kulmeen koox hubaysan oo ilaalada doonida ah, balse markii danbe laga awood roonaday sidaasna ay ciidanku gacanta ugu dhigeen doonida.
Sidoo kale wararka aan ka helayno degaanka Xaabo ayaa sheegaya in maanta koox hubaysan oo ka Caraysan doonidii xalay ay iyaguna qabsadeen Dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Qandala.
Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale ciidamada Badda PMPF waxay gacanta ku dhigeen Dooni Xaawi ah oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha degmada Baargaal, balse Wasiirka Kalluumaysiga Cabrisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in doonida la sii daayo.