Israa’iil ayaa doonaysa inay hal illaa labo toddobaad ku soo gabagabeyso howlgalka dhulka ee koonfurta Lubnaan, sida ay ku warrantay Al Jazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil.
Hadalkan wuxuu soo baxay saacado kaddib markii ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka in dagaalkan lagu khiyaamay, sidoo kale dagaalka wuxuu dhaliyay si dhaqso ah in ciidanka looga saaro.
Saraakiisha ugu sarreysay iyo guutooyinkii kumaandooska ee lahaa khibrada dagaalka ee Israa’iil, haddii sidan lagu dhammeeyo howlgalka , mar kale ayay Israa’iil guul-darro ka soo qaadatay Lubnaan, markii hore waxay ahayd dagaalkii 2006.