Komishinka Wada hadalka ee Itoobiya ayaa ka hor yimid go’aankii ay dhawaan soo saareen Ururka ONLF ee ahaa inay dib uga fiirsanayaan isla markaana aysan ka qayb galaynin Shirwaynaha wada hadalada Qaran ee dhawaan lagu qabanayo dalka Itoobiya.
Madaxa Wadahadallada heer Qaran ee Itoobiya Mesfin Araya oo waraysi siiyay laanta Af Axmaariga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in guddigu dadaal ugu jiro sidii wadahadalladani ay u noqon lahaayen kuwo loo dhan yahay, isla markaana ay ka soo qayb galayaan dhammaan gobollada dalku oo ay ku jiraan kuwa ay colaaduhu ka jiraan.
Mesfin Araya waxa kale oo uu sheegay in uusan sax ahayn cabashadii dhawaan ka timid dhinaca ONLF ee ahayd in shirwaynahan qaran uu yahay mid aan loo dhamayn, isla markaana xulashadii ergooyinka shirkaas loo maamulay qaab aan sax ahayn, ONLF na aysan shirkaas ka qayb galaynin, Guddigu hadalkaas ka soo yeeray ONLF way ku gacan seereen sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa Wadahadallada Qaran ee Itoobiya.
Dhinaca kale Madaxa Wadahadallada Qaran ee Itoobiya waxa uu sheegay in guddigu ay qabaan inaysan ONLF aysan wax badan ka fahmin arrimaha shirwaynahan, sidaas darteed uu guddigu marwalba diyaar u yahay inuu ONLF ka dhaadhiciyo wax yaabo badan oo laga yaabo inaysan ka fahansanayn ONLF shirwaynahan Qaran, waa siduu hadalka u dhigay Madaxa wada hadallada Qaran ee Itoobiya.
Mesfin Areya Madaxa Wadahadallada Qaran ee Itoobiya waxa kale oo uu sheegay in intii ay guddigu Jigjiga joogeen ay jireen xubno u yimid guddiga kuwaas oo sheegtay inay kamid yihiin oo ay ka socdaan Ururka ONLF, balse guddigu ay dib u celiyeen xubnahaas maadaama aysan ku jirin listada Ururka ONLF ee ay horey u haysteen guddigu, Warbaahinta oo isku dayday inay xaqiijiso xubnahan la celiyay inay kamid yihiin garabka kale ee ONLF iyo in kale uma ma suurtoobin.
Hadalka guddigan Wadahadallada Qaran ee Itoobiya ayaa ku soo hagaagaya xilli ONLF ay maalmo ka hor caddaysay mowqifkeeda ku aadan shirwaynahan heer Qaran ee dhawaan lagu qabanayo Itoobiya, iyadoo sheegtay inay ka soo horjeedo qaabkii loo maamulay xulashada ergooyinka ka qaygalaya shirkaas ee ka socda dhinaca Dowlad Degaanka Soomaalida, sidaasna ku qaadacday inay shirkaas ka qaybgalayso.