Wafdigaan waxaa hogaaminayay ku-xigeenka agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, Sarreeye Guuto Soner Oruçoğlu, waxaana ku wahlinayay masuuliyiin sar sare oo Turkiga u qaabilsan dhanka dhismaha ciidamada.
Waxaa kulankaan dhax maray Wasiirka iyo saraakiisha Turkiga diiradda lagu saaray dhismaha ciidamada XDS, maadaama dowladda Turkiga ay kaalin-weyn ku leedahay, dhismaha ciidamada, diyaarinta iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dowladda Turkiga ku amaanay garab istaaga joogtada ah oo ay la garab-taagantahay dalkeenna, waxuuna balanqaaday in si dhab ah looga faa’iidaysan doono fursadaha ciidan ee dalkeenu ka helaayo dalka Turkiga.