Heemaal News Network

Madaxa Sirdoonka Mareykanka ee CIA Oo Maanta la Kulmay William Ruto iyo Madaxa sirdoonka Kenya

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA,William Burns ayaa maanta booqday Kenya, isagoo wada-hadallo la yeeshay madaxweyne, William Ruto iyo madaxa sirdoonka Kenya, Noordin Haji.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale uu Kenya u booqday madaxa hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI6, Richard Moore, oo isla maalintii xigtay booqday Itoobiya, markaa oo ay warbaahinta Itoobiya sheegtay arrimaha uu kala hadlay sirdoonka Itoobiya, inay qeyb ka ahayd amniga badda cas. Waxay u muuqataa inay jirto wax ay u baahanyihiin CIA-da iyo MI6 inay ogeysiiyaan dalalka gobolka.

Sidoo ka;le ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Yemen, Tim Lenderking ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha Carabta oo ay ku jiraan; Sacuudiga , Imaaraadka Carabta iyo Cumaan inay isku diyaarinayaan howlgal ballaaraan oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku doonayaan inay ku burburiyaan Xuutiyiinta Yemen.