Hay’adda sirdoonka Jamhuuriyadda Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen afar qof oo hubaysnaa oo qas ka riday isu soo bixii Xisbiga KULMIYE ee xaafada Siinay ee caasimada Hargeysa.
Hay’adda sirdoonku waxa ay sidaasi ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, kaasi oo u qornaa sidan:-
“NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye ee habeenimadii 28kii bishan. Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa.”