Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay iskaashiga labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta, isagoo uga mahadceliyey walaalaha Jabuuti garab istaagga iyo dadaalka dowlada Jabuuti ay ku bixisay dawlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Dileita Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu ku bogaadiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya guulaha taariikhiga ah ee ay ku tallaabsatay labadii sano ee u dambeysay.