Waaxda dambi-baarista dalka Kenya (DCI), ayaa war ka soo saaray weerar iyo dhac Jimcihii, 1-da bishan Novembar ka dhacay dabaqa Ushirika Towers ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Waxay sheegeen in nin hubeysan uu gudaha u galay guri ku yaala dabaqa lixaad ee dhismahaas, isagoo gacan ka helay gabar gurigaas ka shaweyneysay oo la yiraahdo Everlyne, taas oo heysata dhalashada waddanka Uganda.
Ninkan, oo isna la sheegay inuu yahay muwaadiin u dhashay isla Uganda, ayaa weeraray oo six xun u dhaawacay gabar Soomaali ah oo iyaduna gurigaas ka shaqeyneysay oo la yiraahdo Xakiimo Muxyadiin.
Xakiimo waxaa soo gaaray dhaawacyo culus. Ilig ayaa ka jabay, waxaa uuna dhaawac ka soo gaaray madaxa, gacan, iyo lugaha, sida ay sheegtay waaxda dambi barista Kenya. Waxaa sidoo dhabarkeeda ka muuqday dhaawacyo jirdil ah. Xaaladeeda waa lala tacaalay isbitaalkana waa laga saaray.
Dhanka kale, waxaa gurigaas laga dhacay agabyo kale oo kala duwan sida, laptop-yo gaaraya afar, dahab iyo sidoo kale lacago isugu jira doolar iyo lacagta dalka Kenya.
Everlyne, oo ah gabadha guriga ka shaqeyneysay, ayaa la sheegay in shaqadaas ay bilowday saddex todobaad ka hor dhacdada, haatanna way baxsadeen, iyada iyo ninkii falka geystay.
Hooyada guriga la weeraray ayaa maqneyd xiligii ay wax dhacayeen, waxaana la sheegay inay howlo caafimaad u aaday dalka Hindiya, halka aabahana uu carruurta u kaxeeyay dalxiis.
Howlaha barista ee la xirriira arrintan ayaa ayaa weli socda.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: Guddoomiyaha ganacsatada Islii: Gabdhaha deggan xaafadda waa inay ka taxadaraan raacidda mootooyinka
Sidee lagu waayay saddex haween Soomaali ah oo maydadkooda la helay gudaha Kenya?