Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku dhawaaqday in Ruushka uu carqaladeynayo doorashada Mareykanka ee maanta dadweynaha ay codkooda ka dhiibanayaan , iyadoo warbixinta CIA-da lagu sheegay inuu Ruushka yahay khatarta ugu weyn ee doorashada Mareykanka ay la kulmayso.
Warbixintan waxaa xigtay in maamulka gobolka Georgia, uu shaaciyay in saacado uu hakad galay nidaamkii cododka ay dadweynaha ku dhiibanayeen — baaritaan ay sameeyeen waxay ku sheegeen inay ku oggaadeen kooxaha weerarrada internetka fuliya ee Ruushka inay istaajiyeen nidaamka ay dad weynaha codka kaga dhiibanayeen doorashada.
Markii u horreysay ee Trump uu madaxweyne noqday doorashadii 2016-kii, waxaa lagu eedeyay Ruushka inuu gacan ku siiyay sidii uu Trump u guuleysan lahaa , baaritaannada doorashadaa ayaa ah mid illaa hadda socota , wallow Ruushka uu iska diidday dhammaan eedeymaha uga yimid dhinaca Mareykanka.