Netanayahu ayaa xilka wasiirka difaaca Israa’iil u magacaabay, wasiirkii arrimaha dibadda, Israel Katz, kaasoo aan lahayn wax khibrad ciidan ah, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga uu Netanyahu hoggaamiyo ee Likud.
Katz, wuxuu mar ugu hanjabay inuu dili doono madaxweynaha Turkiga, Erdogan wuxuu caan ku yahay hadalladiisa xagjirka ah ee uusan qarin , si dhaqso magacaabiistiisa ayaa muujinaysa inuu Netanyahu galayo dagaal siyaasadeed, maaddama uu maamulka ka saaray dhammaan xubnihii bidixda , waxaana xukuumadiisa isugu soo haray wasiirro xagjir midigta fog ah, taa oo suragal ka dhigayso xaaladdo aan horey loo arag inay go’aamiyaan.
Dhinaca kale Warsaxaafadeed uu soo saaray Netanyahu, kaddib markii uu xilka ka qaaday wasiirkii difaaca Yoav Gallant, waxaa lagu sheegay “Nasiib darro, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, kalsoonida anniga iyo wasiirka gaashaandhigga ayaa burburtay. Waxaa la oggaaday dal-daloolooyin la taaban karo oo dhinaca maamulka ah, waxaana daldaloolooyinkaas barbar socday hadallo iyo tallaabooyin ka hor imaanaya go’aamadii xukuumadda iyo golaha wasiirrada.
Gallant, waxaa la xasuustaa inuu si weyn uga diidday Netanyahu duulaankii dhulka ee Lubnaan oo uu sheegay inay tahay marxalad dedejinaysa guul-darrada dagaalka, sidoo kale wuxuu si weyn u doonayaan inay Israa’iil qaadato heshiis si loo sii daayo maxaabiista, isagoo waqtigaa soo saaray amarka lagu joojiyay qorshaha ay ciidanka Israa’iil oo kaashanaya kuwa Mareykanka iskudayayeen inay xoog ku soo furtaan maxaabiista u xiran Xamaas ee lagu hayo Qasa.
Netanyahu wuxuu xilka qaadistan oo muddo la hadal hayay sameeyay xilli uu baaritaan ku socdo xafiiskiisa oo saraakiil ka shaqeysa ay bixiyeen qorshaha dagaalka Qasa , tan oo dhalisay maxkamadda Israa’iil inay amarto baaritaan ay wadajir u sameynayaan militariga iyo sirdoonka, waxaana la xiray shaqsiyaad ku dhawaa Netanyahu.